Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan ku yeeshay Aalada fogaan araga, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul Wasaare Xamse Cabdi Barre, Ku xigeenkiisa Saalax Jaamac, Madaxweynayaasha Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Waqooyi Barri sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galay.
Goluhu Wadatashaga Qaran Wuxuu soo saarey qodobadan:-
1. Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ee ku aaddan ilaalinta iyo dhowrista gobonnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo midda bulsho ee dalkeena.
2. Goluhu wuxuu bogaadiyey qabsoomiddii doorashadii Golaha deegaanka Gobolka Banaadir iyo waaya-aragnimadii laga dhaxlay, wuxuuna isla gartay dardar gelinta doorashooyinka golayaasha deegaannada ee dowlad goboleedyada.
3. Goluhu wuxuu soo dhaweynayaa ayidaada Golaha Mustaqabalka ee casuumadii gogosha wadatashiga Qaran ee ay ku baaqday Xukuumadda 1-da Febraayo 2026.
4. Goluhu wuxuu bogaadinayaa guulaha ay ciidamada qalabka sida oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaaladii u dambeeyay ee Khawaarijta lala galay.
5. Goluhu wuxuu ku baaqay gurmadka xaaladda abaaraha ee ka jirta dalka.
6. Ugu danbeyn, Goluhu wuxuu ugu mahadcelinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD iyo saaxiibbada caalamka ee garab istaagaa xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobannimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

