Trump oo ka hadlay mowqifkiisa Nato iyo dagaalka Ukraine

Trump hadda wuxuu u jeedsaday dagaalka Ukraine, isagoo sheegay in NATO ay caawin doonto in la joojiyo.

“Waa inay dagaalkaas joojiyaan sababtoo ah dad badan ayaa dhimanaya, si aan loo baahnayn ayey u dhimanayaan,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in Putin iyo Zelensky ay doonayaan inay heshiis sameeyaan.

Trump wuxuu sheegay inuu caawin doono Yurub iyo NATO sidii arrintaas loo qaban lahaa, wuxuuna yiri waxa kaliya ee uu codsanayo waa “qayb baraf ah,” taasoo u muuqata inuu ula jeedo Greenland.

Wuxuu ku tilmaamay codsi yar marka loo eego waxa Maraykanku u bixiyay NATO.

Wuxuu sheegay in Maraykanku uu 100% u taagan yahay NATO, laakiin ma hubo haddii xulafadu ay noo abaal-celin doonaan ayuu yiri

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed