Ilhaan Cumar oo Trump hordhigtay in uu jawaab ka bixiyo 9 tallaabo uu qaaday

Xildhibaan Ilhaan Cumar oo jawaab ka bixisay eedaha uga yimid Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigtay 9 tallaab oo ceeb ku ah, waxa ay dul istaagtay qodobadaas iyada oo si xeeladeysan dadka ugu iftiimisay.

Qoraalkeeda ayay cinwaan uga dhigtay “Xiliga dahabiga ah ee Trump” iyada oo intaas kaddib usii gudubtay qodobada ay ku eedeysay Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump in uu ku dhaqaaqay muddo xileedkiisa hadda.

1-Ciidanka Hay’adda Socdaalka ee ICE oo dishay Muwaadiniin Ameerikaan ah

2-Baaritaanno isir ku salaysan oo baahsan

3-Dhibaatooyin lagu hayo dadka isticmaalaya xuquuqdooda Dastuuriga ah

4-Jarista Kaalmada & Adeegyada Caafimaad.

5-Kharashaadka ku baxaya Daryeelka Caafimaad oo sii kordhay

6-Howlgal Sharci darro ah oo laga fuliyay Venezuela

7-Hanjabaad ku saabsan Jasiiradda Greenland

8-Qarinta Kiiska Jeffrey Epstein oo ah Maalqabaynka Ku caanbaxay fadeexad kufsi iyo ka Ganacsiga Carruurta

9-Canshuuro aan xad lahayn iyada oo Qiimaha Maciishadda ay sare u kacday.

Dagaalka ay isu adeegsanayaan Xildhibaan Ilhaan Cumar & Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ah mid waqti dheer jiitamayay, Trump ayaa gaaray heer uu Dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ku dacweeyo maadaama Asalkeedu Soomaali ay tahay.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed