MW Lugatoor oo kulan la qaatay taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Puntland

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland  Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kulan la qaatay taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Puntland iyo wasaaradda amniga.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay amniga iyo difaaca Puntland, sidoo kalena ciidanka lagu boggaadiyay howlgalkii Hillaac ee Calmiskaad iyo diyaar-garowga holwgalka Onkod ee Calmadow.

Kulanka waxaa ka qaybgalay taliyaha difaaca Gen. Aadan Cabdi Xaashi, taliyaha Booliska Gen. Muumin Cabdi Shire, taliyaha Asluubta Gen. Saxardiid, taliyaha qaybta gobolka Nugaal, mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda amniga, maamulka Nugaal iyo mas’uuliyiin & saraakiil kale.

Kulanka ayaa yimid, kaddib markii xalay ciidamada ka tirsan daraawiishta Puntland ay weerareen saldhigga dhexe ee magaalada Garowe, shaqaaqadaas oo sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale kulankan wuxuu ku soo aaday, xilli shalay Taliye Muumin uu digniin u jeediyay ciidamada ku biiray dowladda federaalka ee Danab iyo PSF oo hadda qaarkood ku sugan yihiin Laascaanood, kuwaas oo uu ugu baaqay in ay hubka u soo celiyaan Puntland iyo haddii kale tallaabo laga qaadi doono.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed