Safiirro ka qaybgalaya caleemosaarka Maamulka Waqooyi Bari oo gaaray Laascaanood

Safiirro ka kala socda Dalal kala duwan oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool si ay uga qaybgalaan Caleemosaarka Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Safiirrada ku sugan Laascaanood waxaa kamid ah, Danjiraha Jamhuuriyadda ee Soomaaliya, Safiirka Turkiga, Safiirka Sacuudi Carabiya, Kan Suudaan iyo kuwo kale, waxaa la filayaa in danjireyaal kale ay isla maanta tagaan Magaaladaas.

Dhinaca kale, Soomaali kale oo qaarkood ka tagtay Kenya ayaa tagtay Magaalada Laascaanood kuwaas oo qayb ka noqonaya munaasabadda Caleemosaarka ee hoggaanka sare Maamulka Waqooyi Bari oo ku biiray Dowlad-Goboleedyada hoostaga Dowladda Federaalka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed