Puntland oo ka hadashay dagaalkii saldhigga Garowe iyo khasaaraha oo kordhay

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir ayaa ka hadlay dagaalkii caawa ka dhacay saldhigga dhexe ee Garowe, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Guddoomiye Cabdiraxmaan oo shir jaraa’id ku qabtay taliska qaybta booliska gobalka Nugaal ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland ay soo weerareen saldhigga dhexe ee Garowe, islamarkaana falkaas uu sababay dhimashada hal askari iyo dhaawaca saddex kale oo ka tirsan ciidamada daraawiishta, isagoo xusay in khasaaruhu yar yahay marka loo eego dagaalka ka dhacay.

Wuxuu tilmaamay in shaqaaqadan ay ka bilaamatay dhaawac ka dhashay howlgal la doonayay in lagu soo qabto askar eedeysanayaal ah oo ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland, wuxuuna intaas ku daray in hadda xaaladdu caadi degan tahay, islamarkaana ciidamadii saldhigga soo weeraray ku laabtaan xeradooda.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed