Donald Trump ayaa sheegay in loo sheegay in “dilkii ka socday Iiran uu istaagay”, balse madaxweynaha Maraykanka ma meesha kama uusan saarin suurtagalnimada in tallaabo ciidan laga qaado dalkaas, kaddib tallaabadii adag ee rabshadaha watay ee ay xukuumadda Iiran kula kacday mudaharaadayaasha kasoo horjeeday dowladda.
Sida ay sheegayaan ururrada u dooda xuquuqda aadanaha, in ka badan 2,400 oo qof ayaa lagu dilay howlgalkii ugu dambeeyay ee ay sameeyeen masuuliyiinta Iiran si ay uga jawaabaan mudaharaadyo guud ahaan dalkaasi ka dhacay.
Hadallada Trump ee Arbacadii ayaa yimid kaddib markii Maraykanka iyo Ingiriiska ay labaduba yareeyeen tirada shaqaalaha jooga saldhigga cirka ee Al-Udeid ee dalka Qadar. Saraakiil ayaa u sheegay CBS, oo ah bahwadaagta BBC ee Maraykanka, in ka bixitaanka qayb ka mid ah ciidamada Maraykanka uu ahaa “tallaabo taxaddar ah”.
Hawada Iiran ayaa la xiray ku dhowaad dhammaan duulimaadyada muddo shan saacadood ah habeenkii, iyadoo dhowr shirkadood oo diyaaradeed ay ku dhawaaqeen in ay duulimaadyadooda ka leexin doonaan hawada Iiran.

