Kulan ay maanta Golaha Wasiirrada ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa lagu buriyay dhammaan heshiisyadii ka dhaxeeyay dalalka Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya.
Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa lagu dhageystay warbixinno la xiriira khataraha dowladda Imaaradka ku heyso amniga dalka.
Golaha ayaa go’aamiyay in Soomaaliya aysan ku dhaqmi doonin dhamman heshiisyadii difaaca, amniga iyo horumarinta dalka.
Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeynaya inuu si khaldan u isticmaalay hawada Soomaaliya, isla markaasna uu fududeeyay baxshada hoggaamiyihii gooni goosadka Yemen.

