Golaha Shacabka BFS oo u codeeyay Axdiga Xakamaynta Tubaakada

Kulan maanta Golaha Shacabka, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku yeeshay xaruntiisa waxa ay Xildhibaannadu u codeeyeen Axdiga Xakamaynta Tubaakada oo qaraarkaas waxaa ogolaaday 139 Mudane sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Xildhibaannada ayaa doodo hore ka yeeshay Axdigaan xakamaynaya Tubaakada, ugu dambayn maanta oo Isniin ah ayuu Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u codeeyay sidaasina dhankooda uga gudbay.

Sida uu xeerku yahay, waxaa loo gudbin doonnaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka oo marin doonna, Aqrin, Dood iyo Codayn, haddii Golahaas uu sidaan oo kale u ansixiyo waxaa loosii gudbin doonnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed