Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa madaxda Dowadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay sabab u yihiin aqoonsiga Israa’iil siisay maamulka Somaliland.
Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay dhalinyaro oo ka dhacay Garowe ayaa yiri “in la dhaho dalkii baa la kala jarayaa, siyaasad xumo Dowladda Federaalka ah baa saldhig u ah”.
Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay in aysan ka shaqeynayn midnimo, basle taas baddelkeeda ka shaqeynayso kala qaybin, iskudir iyo mushaakil.
“Maamulka hadda jooga waa maamul kala qaybin, iskudir iyo mushaakil ka shaqeynaya ee maahan mid midnimo ka shaqeynaya” ayuu yiri madaxweyne Deni.
Wuxuu intaas ku daray in aan midnimada Soomaaliya lagu keeni karin cay iyo hanjabaad oo uu ula jeeday hadallada madaxda federaalka ay hawada u mariyaan maamulka Somaliland, isaga oo tilmaamay in ay taasi horseedayso kala tag.
Madaxweyne Siciid Deni ayaa xusay in Puntland u taagan tahay oo ka shaqaynayso midnimada Soomaaliya iyo jiritaankeeda gaarka ah oo uu ku tilmaamay in ay ahaayeen ujeedadii loo asaasay 1998.

