Wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada Dooxa, halkaasi oo ay kulan kula yeesheen Madaxda sare ee Dowladda Qadar.
Wafdigaan ayaa ka kooban Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya ahna Ergay ka socda Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Cali Maxamed Cumar, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale, dhinaca Qadar waxaa matalaayay Dr. Maxamed Bin Cabdulcasiis Bin Saalax Al-Khulayfi, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ee dalka Qadar, waxaana laga wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dowladood iyo aqoonsiga ISL ay sheegtay in ay siisay Somaliland.
“Qadar iyo Soomaaliya waxaa ay ka wada hadleen xaaladda gobolka iyo arrimo muhiim u ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri Bayaanka ka soo baxay Dowladda Qadar.
Sidoo kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda ayaa mar kale xaqiijiyay mowqifka Qadar ee ah taageerada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, midnimadeeda iyo ka hortagista wax kasta oo kala goyn kara dalka.
Dalalka caalamka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, iyagoo ka hor yimid aqoonsiga Somaliland.

