Somaliland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Turkiga

Wasiirka madaxtooyada Madaxbannaanida ee Somaliland Khadar Xuseen Cabdi oo goor dhow shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa ka hadlay warkii kasoo baxay dowladda Turkiga ee ku aaddanaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

“Turkiga waa waddankii koowaad ee dunida aqoonsada jiritaanka Israa’iil sanadkii 1984-kii. Waagaas ilaa maanta marxalad kasta oo dhacda Turkigu marnaba xidhiidhka uu Israa’iil la leeyahay iska daa inuu gooyee hoos uma dhigo. Markaa maanta Turkigu diin nooma sheegi karo, taariikhna inooma sheegi karo, dhaqan kalena inooma sheegi karo, danteennana inooma sheegi karo. Danteenna innagaa naqaanna, innagaa ka shaqeyneyna, innagaa u taagan, innagaa matalna.

“Waxaa jira waddamo badan oo dunida ka mid ah oo iyaguna aqoonsiga Somailand dhibaato u arka. Waxaan rabnaa inaan dunida oo dhan u sheegno aqoonsiga Somailand wuxuu soo kordhinayaa oo uu wax weyn ku tarayaa nabadda gobolka, wuxuu wax weyn ku tarayaa ilaalinta iyo adkeynta amniga Badda Cas, wuxuu wax weyn ku tarayaa wada noolaanshaha iyo dhaqaalaha, is dhexgalka gobolka aynu ku nool nahay” Ayuu yiri wasiir Khadar.

Hadalka wasiirka ayaa yimid maalin kadib markii wasiirka arrimaha dibada Turkiga Hakan Fidan oo ka hadlayay arrimo badan oo caalamka uu sheegay inay tahay nasiib darro weyn oo ku dhacday Somaliland isagoo kala jeeday aqoonsiga ay israa’iil ka heshay.

Isaga oo ka hadlaya ayuu yiri: “waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iill ee Somaliland inuu yahay musiibo ugu weyn oo ku dhici karta Somaliland. Maxaa noqon kara musiibo ka weyn tan oo ku timaadda bulsho Muslim ah, ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah? Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, laakiin sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeedo xun, siyaasadooda gobolka ah. Haddii Ilaah kuu oggolaaday arrintan, waa ceeb iyo ciqaab weyn dhab ahaantii. Tani waxay ka dhigan tahay in qofku u baahan yahay inuu is xakameeyo.” Ayuu yiri.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed