Waxaa dalka Sacuudi Carabiya ka furmay kulan horudhac ah oo aan caadi aheyn, kaasi oo ay yeelanayaan Golaha Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka, iyadoo looga hadlayo xaaladda gobolka, gaar ahaan aqoonsiga Israa’iil sheegtay in ay siisay Somaliland.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururka, iyadoo Soomaaliya ay uga qeyb galayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay).
Wadahadalladan ka socda dalka Sacuudiga ayaa la filayaa in laga soo saaro bayaan adag oo mar kale lagu xaqiijinayo midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay tilmaameen.
Ururka Iskaashiga Islaamka, oo ah ururka labaad ee ugu weyn adduunka marka laga reebo Qaramada Midoobay, ayaa horey u caddeeyay in Somaliland ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, wuxuuna dhowr jeer oo hore digniin u diray Israa’iil si ay u ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo deganaanshaha Geeska Afrika.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhankeeda wada dadaallo looga hortago damaca Israa’iil, kaasi oo ay gacan ka geysanayaan ururka OIC oo ka kooban 57 dal oo intooda badan diiday aqoonsiga Israa’iil.

