Golaha Ammaanka oo taageeray midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Shan iyo tobanka xubnood ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ka arrinsaday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland xalay.

Xubanaha ayaa intii ay dooddu socotay waxay ay cadeeyeen taageero ay u muujiyeen midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Safiirka ku xigeenka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce ayaa sheegtay in siyaasadda Maraykanka ee ku aadan Soomaaliya aysan waxba iska badalin.

Sidoo kale ergeyga Ingiriiska ayaa sheegay in “Ingiriisku uu xaqiijinayo taageeradiisa midnimada, madaxbanaanida dhuleed iyo siyaasadeed iyo siyaadada Soomaaliya”.

Soomaaliya oo kulankaan ku matalaysay wadamada Algeria, Guyana iyo Sierra Leone, ayaa si adag u cambaareysay tallabada ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, iyada oo ku tilmaanatay “xadgudubka aan loo meel dayin” ee Israa”iil kula kacday midnimada iyo madaxbanaanida dhulkooda”.

“Tallaabo kasta oo ku aadan aqoonsiga Somaliland waa waxba kama jiraan”, ayuu yiri danjire Abuukar Baalle oo Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

sraa’iil, intii kulankaan socday waxay difaacday tallaabada ay ku aqoonsatay Somaliland.

“La macaamilka Israa’iil ee Somaliland wuxuu leeyahay taariikh dheer oo joogto ah,” ayuu yiri ergayga Israa’iil ku matalayay doodda ka socotay golaha ammaanka.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed