Trump oo digniin udiray Xamaas

Donald Trump ayaa sheegay in uu rajaynayo in si dhakhso ah loo gaadho wejiga labaad ee qorshaha nabadda Qasa, isagoo uga digay Xamaas in ay la kulmi doonto “ciqaab daran” haddii aanay si degdeg ah hubka u dhigin.

Madaxweynaha Maraykanka oo hore u soo bandhigay qorshihiisa nabadeed ee ka kooban 20-ka qodob oo waajibinaya in kooxda Xamaas ay hubka dhigto, ayaa hadalladan jeediyay xilli uu Florida kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, Isniintii.

Shirkaas jaraa’id ee ay wada qabteen labadaas hoggaamiye kaddib, Trump wuxuu sheegay in Israa’iil ay “si buuxda u fulisay qorshahan”, inkastoo ay weli socdaan weerarro millitari oo ka socda Qasa.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay in dalkiisu uu taageeri karo weerar kale oo balaadhan oo ka dhan ah Iiraan haddii ay dib u bilowdo dhismaha barnaamijyadeeda gantaallada riddada dheer ama hubka nukliyeerka.

Mar la weydiiyay sida ugu dhakhsaha badan ee Xamaas iyo Israa’iil ugu gudbi karaan wejiga labaad ee qorshaha nabadda, Trump wuxuu yidhi: “Waa sida ugu dhakhsaha badan ee aan awoodno. Laakiin waa in hub ka dhigistu dhacdaa.”

Isagoo ka hadlaya Xamaas, wuxuu yidhi: “Haddii aanay hubka dhigin sida ay ku heshiiyeen, markaas waxay la kulmi doonaan ciqaab daran. Waa inay hubka dhigaan muddo aad u gaaban gudahood.”

Trump ayaa sidoo kale sheegay in dib-u-dhiska Qasa uu “bilaaban karo waqti dhow.”

Qorshaha nabadda Qasa ayaa dhaqan galay bishii Oktoobar. Marka la gaadho wejiga labaad, waxaa la dhisi doonaa xukuumad farsamo oo ka hanaqaadda dhulka uu burburka xooggan soo gaadhay, Xamaasna waxay dhigi doontaa hubka, halka ciidammada Israa’iil ay ka bixi doonaan. Kaddibna waxaa bilaaban doona dib-u-dhiska Qasa.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed