MW Xasan oo si kulul ooga hadlay ficilka ay ku dhaqaaqday Isra11l.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta hortagay labada Gole ee Baarlamaanka ayaa u jeediyay khudbad uu uga hadlay muhiimadda ay leedahay in laga hortago xadgudubka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil uu u gaystay Dalka.

Madaxweyne Xasan ayaa xadgudubkii ugu weynaa ee Soomaaliya loo gaysto ku tilmaamay in hadalkii Benjamin Netanyahu oo ahaa in uu aqoonsaday Maamulka Somaliland, waxa uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay qaadayso tallaab weliba oo damacaas looga hortagyo.

“Benjamin Netanyahu waxa uu xadgudubkii ugu weynaa u gaystay Soomaaliya, Tallaabada uu qaaday marnaba lama aqbali karo, waana duullaan qaawan” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud

Waxa uu cod dheer Caalamka ku gaarsiiyay in arrinta Gobollada Waqooyi ay tahay mid dhex taalla Soomaaliya sidaas awgeed aanay la aqbali Karin in faragelin bareer ah lagu sameeyo si loo kala qaybiyo sida uu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Gobollada Waqooyi ee Somaliland waa qayb kamid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dunida cod dheer ayaa intaas ku gaarsiinayaa” Ayuu yiri Madaxweynaha DFS, Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa diiday in Dalka si qasab ah loogu soo raro Falastiin, waxa uu Madaxweyne Xasan Sheekh xusay in tani ay Israa’iil ay ku bananaysanayso boobka ay ku rabto Dhulka Walaalaha Falastiin sida uu tilmaamay.

“Soomaaliya ma aqbalayso in si qasab ah Shacabka Falastiin loogu soo barakiciyo qayb kamid ah Dalkayaga, waxa aan ka digaynaa dagaallada fidnada” Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud

Dhibaatooyinka ka dhallan kara ayuu ka xusay in Colaadda ka jirta Bariga Dhexe in ay usoo rarayso Israa’iil Geeska Afrika, Soomaaliya ayuu shaaciyay in ay ku suntan tahay nabadgalyo iyo nabad deris kula noolaashiyo sidaas awgeed ay diidan tahay dhibaatada loo abuurayo.

“Soomaaliya ma aqbalayso in dhulkeeda looga duullo Dalal kale, ma doonayno Fidnada Netanyahu uu colaadda ugu soo rarayo Dhulka yaga” Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe waxa uu Netanyahu xusuusiyay in uu hortago caddaaladda uu baxsadka ka yahay maadaama uu dambiile yahay.

“Netanyahu oo Maxkamadda dambiyada raadinayso oo loo haysto dambiyadii uu ka galay Walalaha Falastiin waxa uu ku xadgudbay Dalkeenna” Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Xildhibaannada & Senatarrada Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codkooda ku xoojiyay in xoogga la saaro sidii loo adkayn lahaa Midnimada iyo Wadajirka si looga hortago faragelinta shisheeye ee dadka lagu kala qaybinayo.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed