Ra’iisul wasaare ku xigeen Saalax Axmed oo codeeyay doorashada qof iyo codka ah

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa kamid noqday muwadiniinta Soomaaliyeed ee maanta u codeeyay doorashada goleyaasha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ayaa carrabka ku adkeeyay in maanta muwaadiniin badan ay heleen xaqooda dastuuriga ah, iyadoo bulshada ka muuqdo biseyl dimuqraadiyadeed ee dalka iyo ka-qaybgalka shacabka ee go’aan gaarista masiirkooda siyaasadeed.

Saalax, ayaa ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si nabad ah uga qayb qaataan doorashada.

Sidoo kale, wuxuu ammaanay hay’adaha amniga iyo guddiyada doorashooyinka dadaalka ay ku xaqiijinta amniga shacabka iyo codayn-bixiyayaasha.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda codeynta muwadiniinta Soomaaliyeed ee doorashada qof iyo codka ah.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed