Labo qof oo ololeeya una dhashay UK ayaa ka mid ah shan qof oo Mareykanku u diiday fiisaha dalkiisa kuwaas oo lagu eedeeyay in ay “ku qasbayaan” shirkadaha baraha bulshada Mareykanka in ay cadaadiyaan fikradaha ay diidan yihiin.
Maamulka Trump ayaa ka mamnuucay in ay Mareykanka soo galaan Imran Ahmed oo hore la-taliye ugu ahaa xisbigaha shaqaalaha UK, hadana madax ka ah xarunta ka hortagga naceybka ka dhaca digitaalka (CCDH) iyo Clare Melford oo madax ka ah xarunta GDI.
Dadka kale ee loo diiday fiisaha waxaa ku jira nin u dhashay Faransiiska oo hore uga tirsanaa golaha Midowga Yurub iyo mas’uul oo u dhashay Jarmalka.
Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ku tilmaamay tallaabada loogu diiday fiisaha “cabsigelin”.
Mareykanka ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay jawaab u yihiin shaqsiyaadka iyo ururada u ololeeya in la xadido shirkadaha tiknolojiyada dalkiisa iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda Marco Rubio uu sheegay in ay ka mid yihiin “dhaqdhaaqaqa faafreebka caalamiga”.
Dowlada Mareykanka waxay ku eedeysay ururka CCDH in ay hore ula shaqeeyeen maamulkii madaxweyne Biden.
Melford waxay aasaastay GDI oo ah urur aan faa’ido doon aheyn oo la socda wararka beenta ah ee la faafiyo.
Afhayeen u hadlay GDI waxa uu sheegay in xayiraada fiisaha ee la saaray ay tahay weerar kalitalisnimo oo lagu hayo xorriyadda hadalka iyo faafreebka.
Midowga Yurub ayaa ka codsaday Mareykanka “faahfaahin iyagoo sheegay in “si degdeg ah ay uga bixinayaan jawaab.

