Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si adag uga hadlay shirkii ay dhawaan Kismaayo ku yeesheen madaxda Puntland, Jubbaland iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee dalka.
Madaxweynaha Somalia waxa uu sheegay in arrintaasi uu ka quseeyo qodobka wadahadalka ayna marwalba albaabadiisu furan yihiin haseyeeshee uusan yeelayn in dib loogu laabto doorashooyinkii la soo maray.
“Wadahadal waa ogolnahay laakiin meeshii hala joogo aqbali mayno”, Ayuu yiri Madxweyne Xasan Sheekh oo sheegay inuu la fariisanayo Golaha Mustaqbalka Somalia.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo dhawaan ku shiray Kismaayo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu muddo bil gudaheed ah isugu yeero saamileyda siyaasadeed ee dalka, si heshiis looga gaaro hanaanka doorashooyinka.

