Taliyihii Guutada Afmeer ee Puntland oo dhaawacmay

Taliyihii guutada Afmeer Col. Sakariye Aadan Cali iyo shan askari oo kale ayaa dhaawac soo gaaray, kaddib markii is-rasaaseyn dhexmartay ciidamo ka wada tirsan daraawiishta Puntland oo ku sugan deegaanka Tuurmasaale ee buuraha Calmiskaad.

Is-rasaaseynta ayaa timid kaddib markii qaar ka mid ah ciidamada ay ka gadoodeen isku-shaandheyn ciidan oo uu waday taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi oo goobtaas khudbad ugu jeediyay ciidamada.

Ciidamada is-rasaaseyntu dhexmartay ayaa qayb ka mid ah yihiin guutada Afmeer oo ah ciidamo dhawaan tababar loogu soo xiray degmada Badhan ee gobolka Sanaag, kuwaas oo Tuurmasaale loo geeyay in ay ka qaybqaataan dagaalka Calmiskaad.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed