Wiil dhalinyaro ah oo xalay lagu dilay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa xalay lagu dilay wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Xasan, kaas oo ku shaqaysan jiray mooto Bajaaj.

Dilka waxaa la sheegay in uu geystay askari ka tirsan ciidamada daraawiishta Puntland, kaas oo aan weli gacanta lagu dhigin, hase ahaatee la aqoonsaday.

Marxuumka ayaa rasaas haleeshay xilli uu isbitaalka magaalada Gaalkacyo u waday wiil dhaawac ah oo ay taleefoon ka furteen koox burcad ah.

Laamaha ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa weli ka hadlin dilka loo gaystay wiilka dhalinyaro ah oo bulshadu ay ka murugootay dilkiisa.

Related News

SBC Radio Live

Facebook Feed