Xuutiyiinta oo weeraray Markab xamuul oo Mareykanku leeyahay

Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo taageero ka helaya Iiraan ayaa xaqiijiyay inay gantaal nooca baalistiga ah ku weerarreen markab xamuul oo laga leeyahay waddanka Mareykanka.

Markabkaas oo la yiraahdo Gibraltar Eagle, ayaa la weeraray xili uu marayay gacanka Cadmeed. Taliska milatariga Mareykanka ayaa sheegay, inaysan jirin waxyeello soo gaartay markabkaasi la weerarray.

Shirkadda maraakiibta ee Eagle Bulk Shipping, ayaa sheegtay in markabka uu siday badeecooyin bir ah, wuxuuna ku dhowaad 160 kilo mitir ka baxsanaa xeebaha gacanka cadmeed markii la duqeynayay.

Xuutiyiinta ay Iiraan taageerto, ayaa tan iyo bishii November weerrar ku qaadayay marakiibta, iyagoo taageero ugu muujinaya dadka reer Falastiin iyo ururka Xamaas ee Qasa.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed