Xulka Qaranka Soomaaliya oo kulan ciyaareed kamid ah isreeb-reebka Koobka Adduunka 2026ka ee Afrika ayaa kahortagay dhiggiisa Guinea oo barbaro 0-0 la galay, ciyaar fursado badan ay abuureen labada Xul ayaa natiijadaas kusoo idlaatay.
Macallinka Xulka Qaranka Soomaaliya Yuusuf Cali Nuur ayaa xulasho fiican ku sameeyay ciyaartoyada uu kahor geeyay dhiggooda Guinea marka la eego isku xirkooda, qaabka daafacashada kubadda & gaarsiinta qaybta dhexe ilaa afka hore.
Waqtigii dhammaadka Ciyaarta loo dhawaa ayay Soomaaliya iska beeldareeyeen fursad weyn oo ay hoggaanka ku qaban kartay kuna heli karta saddexda dhibcood balse ma dhicin, taageerayaasha xulkeenna ayaa garab istaagga u muujiyay ciyaaroyda iyo Macallinka.
Soomaaliya ayaa isbaddel dhinaca cayaaraha sameyneysay sanadihii lasoo dhaafay, Macallimiinta qaybahooda kala duwan iyo Xiriirka ayaa xoogga saaray sidii loo heli lahaa ciyaartoy difaaci kara magaca Xiddiga Badweynta Hindiya.
Inkasta oo ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo hab maamulka xulushada balse isbaddelka muuqda ayaa muhiimadda ugu weyn la saarayaa mar haddii aanay Soomaaliya joogin halkii sanado kahor ay ka joogtay tartamada oo dhibcaheeda lagu tashan jiray.