Xulka kubada cagta Hirshabeelle oo iska xaadiriyay Finalka

Waxaa soo idlaatay ciyaar xiiso badan oo galabta ku dhexmartay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xulalka Hirshabeelle iyo Jubbaland.

Xulalka Kubadda Cagta Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa wada ciyaaray kulan ka tirsan afar dhamaadka tartanka Kubadda Cagta dowlad gobolewdyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa 90-ka daqiiqo ee loogu talo galay waxa uu kusoo dhamaaday bar bar dhac ebar iyo eber ah, waxaana inta kadib labada dhinac lagu kala saaray gool ku laadyo cidii ku awood roonaado ay ugu gudbeyso Finalka tartankaan.

Xulka Kubadda Cagta Hirshabeelle ayaana ku guuleystay gool ku laadka, kadib markii shabaqa ay ku hubsadeen 5 gool ku laad halka Jubbaland ay shabaqa ku hubsatay 4 gool ku laad, sidaasna ay guusha ku raacday Hirshabeelle.

Hirshabeelle ayaa haatan sugeysa iney kulanka kama dambeysta ah kula tartanto xulkii maalinta berito ah guul ka gaaro kulanka darbiga ah ee u dhaxeeya Banaadir iyo Galmudug.

Koonfur Galbeed ayaa Tartankaan todobaadyo ka hor isaga baxay ka dib markii ay ka caroodeen weerar lagu qaaday  gudaha Muqdisho, waxaana sidoo kale horay aanan uga soo qeyb galin tartanka Puntland

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed