Xulka kubada cagta Galmudug oo iska xaadiriyay Finalka

Waxaa soo idlaatay ciyaar xiiso badan oo galabta ku dhexmartay garoonka Kubadda Cagta Muqdisho xulalka Galmudug iyo Gobolka Banaadir.

Xulalka Kubadda Cagta Galmudug iyo Gobolka Banaadir ayaa wada ciyaaray kulan ka tirsan afar dhamaadka tartanka Kubadda Cagta dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir.

Kulanka ayaa 90-ka daqiiqo ee loogu talo galay waxa uu kusoo dhamaaday bar bar dhac ebar iyo eber ah, waxaana inta kadib labada dhinac lagu kala saaray gool ku laadyo cidii ku awood roonaado ay ugu gudbeyso Finalka tartankaan.

Xulka Kubadda Cagta Galmudug ayaana ku guuleystay gool ku laadka,labada kooxood loo dhigay , sidaasna ay guusha ku raacday Galmudug.

Galmudug ayaa haatan la ciyaari doonta ciyaarta Finaalka xulka Hirshabeelle oo shalay ka badiyay dhigooda Jubalaand.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed