Xulka Koonfur-Galbeed oo u duulay Baydhabo ka dib weerarkii……”

Ciyaartoyda xulka kubada cagta Koonfur-galbeed ayaa saaka ka ambabaxay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ka dib markii ay iskaga bexeen koobkii Maamulada dalka iyo Gobolka Banaadir.

weerar lagu qaaday bas ay saarnayeen galabnimadii Jimcaha  xili ay ka soo bexeen ciyaar ay la lahayeen xulka Galmudug ayaa waxa ka dhashay dhaawacyo la gaarsiiyay ciyaartoyda xulka Koonfur-galbeed.

waan-waan lagu xalinayay dhacdadan ay markii labaad kala kulmeen xulka Koonfur-galbeed Magaalada Muqdisho ayaa guuldaro ku dhamaatay sida muuqata madaama ay saaka dib ugu laabteen Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

xiriirka kubada cagta soomaliya ayaa hakiyay sadex maalmood koobka ka dib markii ay dhacdadani ay dhacday sida muuqatana waxaa dhici karta in koobkani uu ku dhamaado fashil maadama xulka koonfur-galbeed oo ka baxay sida oo kalena ay hore Puntland uga maqnayda koobka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed