Xulka Galmudug oo $30,000 lagu abaal mariyay

Madaxda Sare ee Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa xaflad ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb waxa ay ku abaalmariyeen Ciyaartoyda, Macalinka, kaaliyeyaashii la shaqeeyay & dhammaan xubnihii qaybta ka ahaa xulka metalayay Dowlad-Goboleedkaas ee ku guulaystay koobka Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2023 ee Muqdisho ka dhacay.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor oo dhinacyadiisa ay taagan yihiin ku xigeenkiisa & Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayuu ku wareejiyay jeegga lacagta abaalmarinta xulka metalay Dowlad-Goboleedkaas ee gacanta ku dhigay koobkii ay tartanka adag u galeen.

Axmed Qoor-Qoor ayaa ciyaartoyda, Macallinka iyo dhammaan dadkii ku lugta lahaa in Ciyaartoyda Metalaysa Dowlad-Goboleedka Galmudug waxa uu ku bogaadiyay kaalintii firfircooneed oo ay isu dhiirrageliyeen taasi oo ugu dambayn u fududeysay in ay koobka ay ka dejiyaan Magaalada Dhuusamareeb.

Xulka Dowlad-Goboleedka Galmudug oo ku guulaystay koobka Dowlad-Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sanadka 2023 waxa ay ciyaartii ugu dambaysay gool ku laad uga qaadayn dhiggooda Hir-Shabeelle waxaana ay sidaas kusoo galeen Dowlad-Goboleedyada ku guulaystay Koobaan.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed