Waxaa saaka oo Sabti ah magaalada Boosaaso lagu qisaasay xukmane Maxamed Abshir Muuse oo lagu helay dilkii guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika
Qoraal kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayay ku sheegeen in Saaka oo Sabti ah xukun dil ah lagu fuliyay Maxamed Abshir Muuse oo lagu helay dilkii guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda jaamacadda Bariga Afrika.
Taliska Booliska ayaa sheegay in maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Bari ay magaalada Boosaaso ku qisaastay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo horay 29 July 2024 Boosaaso ugu dilay guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda Bariga Afrika marxuum Khaalid Cali Khaalid Aw Muuse.
โMaxkamada darajada koowaad ee gobolka Bari ayaa maanta oo Sabti ah xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse oo Magaalada Boosaaso horay ugu dilay 29-July-2024 Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuseโ ayaa lagu yiri warka Booliska.