Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ka baxsaday xabsi ku yaala Gaalkacyo

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku xukunaa dil iyo xabsi daa’im ayaa xalay ka baxsaday xabsiga saldhiga cirka ee waqooyiga Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan laamaha Amniga Puntland ayaa ayaa SBC u sheegay in markii hore maxaabiista shabaab ee xabsiga ka baxsaday tiradoodu ahayd 12 xubnood balse 9 gacanta lagu dhigay ka hor inta aysan fakan halka sadex kalena ay baxsadeen.

Shakhsiyaadka baxsaday ee loo haysto in ay ka tirsan yihiin kooxaha Al-shabaab ayaa horay wareysi laga qaaday ku sheegay in ay magaalada Gaalkacyo ku dileen dad kala duwan oo ay ku jiraan mas’uuliyiin dowladeed.

laamaha Amniga Puntland ay bilaabeen baaritaan ku saabsan cidda fududaysay baxsashada shakhsiyaadka ku xukuman falalka argagixisada ee ka baxsaday xabsiga saldhiga cirka Gaalkacyo.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed