Xubno Al-Shabaab ah oo lagu dilay Howgal ka dhacay Shabeellaha Hoose

In ka badan 30 Al-shabaab ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka kaasi oo ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta xubno Al-shabaab ah oo isku aruursanayay deegaannadaan kuwaasi oo waday abaabul ay ku dhakrayaan shacabka Soomaaliyeed.

Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Al-shabaab ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay hawlgalladan.

Dhanka kale Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Al-shabaab ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose oo si dhuumaalaysi ah isku dayayeen inay u soo galaan.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u mahadcelinaysaa shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan garabna istaagaan Ciidanka Qalabka Sida ayaa lagu yiri war ka soo baxay dowlada Soomaliy.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed