Xoghayaha guud ee QM muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay?

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa  war ay soo saareen ku sheegay, in madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu la wadaagay xoghayah Qaramada Midoobay aragtida iyo siyaasada dowlada federal Soomaaliya oo ku dhisan daris-wanaag, iskaashi iyo is-ixtiraam.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aysan dadka iyo dowladda Soomaaliya aqbalaynin in lagu soo xadgudbo midnimadooda iyo dowladnimadooda.

Si kaste ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah magaalada Muqdisho ka sameynaysa mudahaarad ballaaran oo loogasoo horjeedo damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya, iyadoo farriin cad loogu diray dowladda Ethiopia.

Dhammaan howlaha dowladda iyo xarumaha waxbarashada ayaa la fasaxay si ay dadka isugusoo baxaan una muujiyaan dareenkooda ku aaddan sida ay ugasoo horjeedaan isku day kaste oo ay Ethiopia ku doonayso inay ugusoo xadgudubto qarinimada Soomaaliya.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed