Xildhibaannada BFS oo akhrinta labaad marsiiyay hindise sharciyeedka doorashooyinka

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim oo ay wehelliso Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar iyo ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 7-aad ee wadajirka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta 2-aad ee Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, ayaa waxaa xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka akhrinta labaad u faahfaahiyay Guddoomiyaha Guddiga Kumeel gaarka ah ee labada Gole ugu xilsaaran diyaarinta Xeerarka doorashooyinka  Mahdi Maxamed Guuleed.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya, ayaa gudagalay doodda iyo aragti dhiibashadooda ku aaddan Hindisaha Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, iyagoo soo bandhigay aragtidooda iyo waxa ay qabaan dhisidda Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Dhanka kale, doodda Sanatarrada iyo Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo wakhti dheer qaadatay, ayaa markii ay soo idlaatay, wuxuu guddoonku faray xubnaha Guddiga KMG ah ee labada Gole ugu xilsaaran diyaarinta sharciyada Doorashooyinka in ay soo diyaariyaan akhrinta 3-aad ee sharciga.

Sharcigaan ayaa horay loo marsiiyay akhrintiisa koowaad, si markale loo marsiiyo akhrintiisa seddeaxaad ayaa xubnaha u xilsaaran ee labada gole in ay soo diyaariyaan akhrinta 3-aad ee sharciga.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed