Xildhibaanada Wakiilada Somaliland oo soo saaray qoraal lagu cambaaraynayo Soomaaliya

Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray qoraal ay ku cambaaraynayaan farogalin ay sheegeen in ay dowlada Soomaaliya  ku hayso arrimaha Somaliland.
Golaha ayaa sheegay in Somaliland ay tahay dal madaxbannaan oo xornimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Ingiriiska sannadkii 1960, isla markaana ay heshiisyo la gali karo dalal iyo shirkado shisheeye si waafaqsan dasuurkeeda.

Golaha Wakiilada ayaa si adag uga jawaabay qaraarkii uu baarlamaanka Soomaaliya ku buriyay isfahankii Somaliland iyo Itoobiya, isaga oo uu goluhu sheegay in go’aankoodu aanu waxba ka badali karin isfahamka labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaliland .

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Golaha Wakiilka 

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed