Qaar kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay degaanada Jubaland oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay aqbaleen shirka wadatashiga ee loogu yeeray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubaland.
Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa warqad qoraal ah oo kasoo baxday Xafiiskiisi waxaa uu shir wadatashi ah iskugu yeeray xildhibanada labada aqal ee Jubaland kasoo galay Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana dhamaantooda laga sugayaa inay tagaan Kismaayo inta u dhaxeeysa 8-11 November 2024
Waxa ay mudanayaashaan cod dheer ay ku sheegeen inay tagayaan magaalada Kismaayo ayna wadatashi la yeelan doonaan Madaxweynaha Jubaland iyo Golahiisa Wasiirada, si lamid ah xubnaha Golaha wakiilada Jubaland iyo odayaasha dhaqanka iyo Bulshada rayidka, waxaana ay xuseen inay wixii kasoo baxa ay ku dhaqi doonaan aayaha ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan Bulshada ku dhaqan degaanada Jubaland.
Waxaa cirka isku sii shareeyay khilaafka Jubaland iyo Dowladda Federaalka wixii ka dambeeyay markii Shirkii Madasha uu iskaga baxay Axmed Madoobe maadama uu diiday in xiligaan la joogo aysan Soomaaliya ka hirgalin karin Dowladda Doorasho Qof iyo Cod.