Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdulle oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa sheegtay in maanta garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho lagu celiyay xilli ay u safreysay magaalada Baydhabo.
Xildhibaan Sareedo ayaa sheegtay in mid kamid ah askarta uu ka qaaday Tikitkeedii, isla markaasna ay kahartay diyaaradda ay ku qorneyd.
Ma cadda sababta xildhibaanadani safarka looga hor istaagay, ilaa hadda ma jiro ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga garoonka iyo masโuuliyiinta maamulka Garoonka Caalamiga ee Aadan Cadde.