Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf ayaa hada laga siidaayay jeelka Madheera, kadib markii ay Maxkamada Sare ee Somaliland amar ku bixisay siidayntiisa.
Giirre waxa uu sheegay in maxkamadu uga xilgudatay xadhiga xildhibaanka si waafaqsan dastuurka, waxa uu xusay in maxkamadu ay muujisay madaxbannaani, isaga oo bogaadiyay goโaanka ay soo saartay.
Xildhibaanka ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay xeer ilaalintu ka gudbisay eedo qaran-dumisnimo ah, kuwaasi oo uu goluha wakiiladu cod caqlabiyad ah ku diiday.