Xiisad coladeed oo ka taagan Magaalada Ceerigaabo

Xiisad saameyn taban ku reebtay qoysaska deegaanka ku ah Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ayaa ka taagan deegaanno dhowr ah, wararka ayaa intaas ku daraya in saacadihii lasoo dhaafay saddex ruux siyaabo kala duwan halkaas loogu dilay.

Ciidamo badan oo ah kuwa Militariga Soomaliland ayaa lagu soo daadiyaya Magaalada Ceerigaabo si ay u sugaan amniga magaalada.

Labada Maamul ayaa ku doodaya in deegaannada rabshada ka socdaan ay iyagu maamulaan, dhinac weliba waxa uu dhanka kale dusha ka saarayaa mas’uuliyadda dhibaatooyinka ka dhaca deegaannadaan katirsan Gobolka Sanaag.

Golaha Wasiirrada Maamulka SSC-Khaatumo oo fadhi gaar ah ka yeeshay arrinta kasoo cusboonaatay Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo, waxa uu ku tilmaamay ‘Daan-daansi’ uu sameynayo Somaliland.

Sanadkii hore waxa ay labada Maamul waa SSC-Khaatumo iyo Somaliland ku dagaalameen Gobolka Sool, gacanta Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi waxaa ka baxday deegaanno dhowr ah, tan iyo xiligaas waxaa socday abaabul labada dhinac ay wadaan.

Somaliland ayaa dhankiisa waxa uu sheegay in lagu soo duullay isla markaana ay doonayaan in ay difaacdaan deegaannadooda sida ay hadalka ku dhigeen, waxaa silsilad noqday dagaallada u dhaxeeya Labadaan Maamul oo Maxaabiis horay u kala qabsaday.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed