Xarunta Baarlamaanka oo laga mabnuucay shirarka Jaraa’d

Qoraal kasoo baxay xafiiska Guddoonka sare ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa lagu mamnuucay shirarka jaraa’id ee ay xildhibaanadu ku qabtaan gudaha iyo dibadda xarunta Baarlamaanka.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa amarkan , balse waxa lala xiriirinayaa xakameynta doodaha xasaasiga ah ee ka dhasha shirarka jaraa”id ee ay badanaa xildhibaanada ku qabtaan bannaanka xarunta Golaha Shacabka.

Go’aanka cusub ayaa saameynaya warbaahinta madaxa bannaan, gaar ahaan wariyeyaasha ka howlgala xarunta Baarlamaanka Soomaaliya. Go’aankan ayaa lagu caddeeyay in laga bilaabo maanta 7da Sptembe, si rasmi ah loo mamnuucay shirarka jaraa’id ee lagu qabto gudaha iyo banaanka xarunta Villa Hargeysa, taas oo sidoo kale mamnuuceysa in wariyeyaashu ay wareysiyo ku qaadaan gudaha xaruntaas.

Go’aankan ayaa si toos ah loogu gudbiyay warbaahinta, gaar ahaan wariyeyaasha sida joogtada ah uga soo tabin jiray arrimaha Baarlamaanka iyo doodaha xasaasiga ah ee halkaas ka socda.

Dhinaca kale, go’aankan wuxuu si gaar ah u saameynayaa xildhibaannada Baarlamaanka laftooda, kuwaas oo badanaa farriimahooda iyo dhaliilaha ay u jeediyaan dowladda ku soo gudbin jiray shirar jaraa’id oo ay ku qabtaan xarunta Baarlamaanka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed