Wasaaradda caafimaadka ee dalka Itoobiya ayaa shaaca ka qaadday in xanuunka lixda qof ku dilay magaalada Jinka ee koonfurta dalkaas uu yahayb Fayruska Marburg.
Cudurkan ayaa markii ugu horreysay ka dillaacay koonfurta Itoobiya toddobaad ka hor, waxaana ku dhintay lix qof oo ay ku jiraan labo shaqaale caafimaad ah.
Wasaaradda Caafimaadka, ayaa qoraal ay soo saartay shalay oo Jimco ahayd, waxay ku sheegtay inaysan jirin cid lagu arkay cudurkan ama looga shakisan yahay inay qabaan, ayna socdaan dadaallo looga hortagayo cudurkan.
Fayraskan ayaa sanad ka hor lagu arkay dalalka Bariga Afrika, kaasoo sababay xanuunno aad u daran iyo dhimasho lama filaan ah oo dad badan ugu dhinteen.
Fayraskan Marburg ayaa ah cudur si aad ah loo kala qaado, waxayna khubarradu sheegeen inuu la mid yahay Ebola.

