Xafiiska Xuquuq Insaanka Puntland oo war ka soo saaray Kufsi ka dhacay Garoowe

Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa war ka soo saaray kufsi gabar yar oo 13 sano jir ah loogu geystay barakacayaasha Garoowe.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa lagu sheegay in laba nin oo hubaysan kuna lebbisan dirayska ciidanka ay kufsiga u geysteen gabadha yar.

Xafiiska xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa tilmaamay in lixdii todobaad ee la soo dhaafay ay kordheen falalka kufsiga iyo dilalka ah oo ay geysanayaan rag ku lebbisan dharka ciidan.

Gobolka Nugaal oo keliya waxa lixdii todobaad ee la soo dhaafay ka dhacay lix kufsi iyo sagaal dil oo ay geysteen rag ku lebbisan dharka ciidamada sida lagu sheegay warbixinta Xafiiska difaacaha xuquuqda Aadanaha Puntland.

Halkan ka akhriso qoraalka

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed