Wiil uu dhalay madaxweyne Xasan Sheekh oo xukun lagu riday

Maxkamad ku taalla dalka Turkiga ayaa ku xukuntay labo sano oo xarig ah wiilka uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu shil gaari ku dilay darawal mooto.

Maxamed Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 30-kii bishii November ee sanadkii 2023-ka gaari ku watay magaalada Istanbul, waxaana uu ku dhuftay nin Mooto watey oo lagu magacaabo Yunus Emre Gocer. Gocer, oo ahaa aabbe dhalay laba carruur ah, ayaa ku dhintay cusbitaalka lix maalmood ka dib shilkaas.

Si kastaba ha ahaatee, xukunka ayaa isla markiiba loo beddelay ganaax lacageed oo dhan 27,300 oo lacagta Turkiga ah oo u dhiganta $900, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Turkiga.

Maxamed Xasan Sheikh Maxamuud ayaa la sheegay in uu todobaadkii hore ku laabtay dalka Turkiga si uu u hortago maxkamadaynta kiiskiisa. Balse xilliga uu xukunka dhacayay ma uusan joogin maxkamadda gudaheeda.

Xeer Ilaaliyaha ayaa doonayay in wiilka madaxweynaha Soomaaliya lagu xukumo ilaa lix sano oo xarig ah.

Hase ahaatee, xukunka xabsiga oo loo beddelo ganaax lacageed ayaa xilliyada qaar ka dhaca nidaamka garsoorka Turkiga.

Sidoo kale, maxkmaadda ayaa shatigiisii wadista baabuurta ee Turkiga kala noqotay muddo lix bilood ah.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed