Weriye Jamaal Maxamed Cismaan oo lagu xiray Garowe

Hay’adaha Amaanka Puntland ayaa garoonka diyaaradaha ee Garowe ku xiray weriye Jamaal Maxamed Cismaan oo ka tirsan wariyeyaasha Channel 4 ee dalka Ingiriiska.
Sirdoonka Puntland oo ka warhelay imaatinka wariyaha ee Puntland ayaa xiray si wax looga weydiiyo ujeedada booqashadiisa.
Jamaal ayaa horey hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya magaalada Muqdisho uga tarxiishey Xili uu booqasho ku tagay.
Wariyaha ayaa magaalada Muqdisho looga eryay sabab la xiriirta barnaamij Documentary ah oo uu ka duubay deegaanka Jilib ee xarunta kooxda “AS”.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed