Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul-Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Danjire Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, waxa ay kawada hadleen arrimo dhowr ah.
Wasiir Khadiija Al-Makhsuumi ayaa sharaxaad ka siisay wafdigaan ka socda Ingiriiska howlaha Wasaaradda horyaalla, waxqabadda muddada ay joogtay iyo guulaha muhiimka ah kasoo gaartay shirarkii ugu dambeeyay ay ka qaybgashay.
Wasaaradda Qoyska & Horumarinta Xuquuql-Insaanka Soomaaliya ayaa dhowaan soo dhistay guddiga madaxabannaan ee Xuquuqda aadanaha waxa uu meesha ka saaray guddigaas ergaygii Qaramada Midoobay ee wakiilka uga ahaa xuquuqul-insaanka Soomaaliya.
Waxa ay si wayn uga mahadcelisay booqoshada wafdiga ka socda Dowladda Ingiriiska oo ay hoggaamineysay Eleanor Sanders oo safarkeedii ugu horeysay abid ku timid magaalada Muqdisho & xubnaha ka socday Safaaradda UK ee Soomaaliya.

