Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in afartii bil ee u dambaysay uu kordhay dakhliga Dowladda kaddib markii howlaha muhiim ah oo laga qabtay isla xisaabtanka Dadweynaha ee dhinaca Canshuurta & la dagaalanka Musuqa.
Biixi ayaa sheegay in shaqo weliba oo Dowladda ay qabanayso uu u baahan yahay dhaqaale si aanay caqabad u imaan Dowladdu diiradda ay saartay in la dhaqaajiyo dhammaad waxyaabaha lagu gaarayo helista lacagaha la uruurinayo.
Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay sare u qaadista hannaanka dhaqaale ee Dalka waxaana ay dhinac wadaa la dagaalanka Musuqa si aanay lacagta Dowladdu loogu adeegsado si baxsan habka loogu talagalay.