Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud ayaa dhaliil xoogan u jeediyay hay’adaha garsoorka Puntland oo uu ku tilmaamay kuwa aan caddaalad ku shaqayn.
Wasiirka oo hadal ka jeediyay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in hay’adaha garsoorka Puntland calaamad su’aal saaran tahay, isaga oo ku eedeeyay in ay jeelasha ka siidaayaan dambiilayaasha la xakumo.
Taliyaha Boolisk Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa hore garsoorka Puntland ugu eedeeyay in ay marar badan xabsiyada ka siidaayaan dambiilayaal la xumay, kuwaas oo mar kale falal dambiyeedyo lagu qabto sida uu sheegay.
Garsoorka Puntland waxay dhankooda xukuumadda ku eedeeyaan in aysan ka helin kharashaadka ay ku shaqayn lahaayeen, islamarkaasna ay ku shaqeeyaan dufuuro adag.

