Wasiirka cusub ee amniga Soomaliya oo xilkii la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Salah Jamac, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo ku-simihii Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali (Xagaa).

Ra’iisul Wasaaraha oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradda amnigu ay kamid tahay  wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, sidaas awgeedna loogu dhiibay shaqsi aqoon iyo waayo aragnimo u leh, isaga oo intaas ku daray in laga sugayo sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ammaan ah oo ka caaggan waxa loogu yeero argagixisada.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha Saalax ayaa xusay in qori kaliya aan lagu sugi karin amniga dalka oo loo baahan yahay in la xoojiyo hey’adaha sirdoonka iyo caddaaladda, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka qaata sugidda amniga Qaranka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Xildhibaanno, Agaasimaha Hey’adda NISA, Taliyaha Ciidanka Booliska, Agaasimeyaasha iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed