Wasiirka Caafimaadka Somaliya oo shir uga qeyb-galay magaalada Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada JFS, Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa guddoomiyay Xeritaanka Shirka heerkiisu sareeyo ee heer farsamo iyo heer Wasiir ee hindisaha wadajirka ah oo lagu Horumarinayo xiriirka ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha ee xuduudaha, iyadoo la tixgalinayo hanaanka Caafimaadka Mideysan kaa soo sare loogu qaadayo amniga caafimaadka gobolka.
Shirkan oo socday mudo sadex casho ah ka Socday magaalada Nairobi ayaa lasoo gebo gabeeyay Maanta iyadoo ay goobjoog yihiin Madaxda Wasaarada Caafimaadka dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia iyo Xoghayaha Urur Goboleedka IGAD Dr Workneh Gebeyehu iyadoo Sadexda Dal ay isku raaceen muhiimada ay leedahay in Si wada jir ah loo wajaho sare u qaadida Amniga Caafimaadka Gobolka iyadoo la Mideynayo dadaalada wadajirka ah ee Urur Goboleedka IGAD ee ku Qotoma hirgalinta Caafimaadka Mideysan.
Munaasabada Xeritaanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada DFS Dr. Guuleed Abdijaliil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha DFS, Maxamed Cumar Nuur iyo Wafdi ka socday Wasaaradaha Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha & Deegaanka.
Madaxda sadexda dal ayaa isku raacay in si wada-jir ah looga hortago Cudurada faafa ee xuduudaha sida sahlan isaga gudba iyadoo la hirgaliyo Caafimaad Mideysan, iyadoo Dhanka Soomaaliya ay Balan-qaaday dar-dar gelinta adeegyada aasaasiga u ah hirgalinta Qodobada ku Xusan War Murtiyeedka ay sida wada jirka ah usoo saareen Dalalka Somalia, Kenya & Ethiopia.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida dadaalada lagu wajahayo Midaynta Caafimaadka Gobolka, iyo ka hortaga Dilaacidda Cudurada faafa iyadoo kaashanaysa dalalka deriska iyo Saaxibada Caafimaadka.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed