Wasiirka Beeraha & Waraabka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa faah-faahin ka bixiyay safarka Wasiirrada labada heer ee Wasaaraddaas ay ku tagayaan Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ujeedka Socdaalkooda kusoo koobay mid ay ugu kuurgalayaan tacbashada Beeraha ee Dowlad-Goboleedka Galmudug.
Wasaaradaha Beeraha & Waraabka Xukuumadda Federaalka & Dowlad-Goboleedyada ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxaa u socday kulamo kala duwan waxa ay ku ballameen in xarumaha Maamul-Goboleedyada.