Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kormeeray Xarunta Hay’adda SoDMA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta kormeeray xarunta qaran ee gurmadka degdega ah ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SoDMA.

Waxaa Wasiir Cali Xoosh soo dhaweeyay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka SoDMA oo warbixin ka siiyay digniinta dhowaan Hay’addu kasoo saartay daadadka roobka guga iyo fatahaadda webiyada Dalka mara ee lasii saadaalinayo.

Wasiir Cali ayaa ku dheeraaday howlaha muhiimka ah ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA ay u hayso Bulshada si looga hortago halis weliba oo Dalka ku wajahan isla markaana loo yareeyo waxyeellada ka dhalan karta.

Waa booqashadii ugu horreysay uu Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya uu ku tagay Xarunta Gurmadka qaran ee SoDMA oo xiligaan ku mashquulsan la socodka saadaasha laga muujinayo daadadka & fatahaadda.

Related News

Facebook Feed

Twitter Feed