Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cali Yuusuf xoosh ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay mas’uuliyiin sare oo ka socda dowladda Finland oo uu hoggaaminayo Safiirka iyo ku xigeenkiisa u fadhiya Soomaaliya ee Finland.
Sidoo kale, xubnaha mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb gashay ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland.
Inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga hadlay iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Sidoo kale, kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray dadaalada xaslinta iyo doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan dalka.
Dowladda Finland ayaa kamid ah dalalka saaxiibada dhaw la ah Soomaaliya oo ka caawiya arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.